Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay degmada dharkeynlay ee Gobalka Banaadir ku dileen oday nabadoon ahaa.
Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay xaafadda Macmacaankaa ee degmada Dharkeynley, iyadoo halkaasi laba dabley ah oo ku hubeysnaa bistoolado ay weerar ku qaadeen nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Kilkilow oo ahaa si weyn looga yaqaanay degaankaasi.
Dableyda dilka geystay ayaa ka baxsaday, waxaana markii dambe halkaasi gaaray ciidamada amniga, wuxuuna noqonayaa dilalka khaarijinta ah ee sida xowliga ah uga socda magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale koox hubeysan ayaa saaka degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay askari ka tirsan cidamada NISA oo watay Mooto Dhugdugley ah, kadib markii koox mooto kale wadatay ay rasaas kui fureen, kana baxsadeen.