Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dabley afduubatay weriye ka howlgala magaalada Muqdisho.
Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.
Weriyah ayaa shalay laga afduubtay degaanka KM 13 ee Afduubtay Duleedka Magaalada Muqdisho meel u dhow gurigiisa.
Saraakiisha degmada Afgooye sheegay inay gacanta ku hayaan rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo afduubtay weriyaha Hanad Cali Guuleed, ayna la soo wareegeen Weriyaha oo Nabad qaba.
Ciidamada dowladda ayaa la soo weriyay inay howlgal ay qaadeen ku soo badbaadiyeen weriyaha.
Wadani.com