Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.
Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Isgoyska Aaden Cade (Jid Mareexaan) Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada Dhrcadka Nabad-Sugidda inay gacanta ku dhigaan.
Kooxdan ayaa ka koobnaa oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari. Qaarkood ayaa falal dilal ah geystay, halka qaar kale ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii bishan December 2022, waxaana maanta 17-ka Disembar 2022 ay Maxkamadda u kala Xukuntay sida soo socota:-
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow = Xukun Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim = Waxaa lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

3/4- Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min 8 Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka


5- Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay 5-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda –

