Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta saldhiga Degmada Hodan kusoo bandhigay koox ka kooban 10 qof oo lagu eedeeyay inay lacago si sharci darro ah uga urursan jireen Qoysaska barakacayaasha ee Gobolka Banaadir.
Kooxdan ayaa la sheegay iany iska dhigi jireenĀ Hay’adaha Samafalka ee bixiya lacagaha Kaashka ah, iyagooa kooxdaan dadka Barakacayaasha ah ka qaadi jriay sawirro iyo Foomam laga buuxiyo Magacyada qoysaskooda, kadibna ay khidmad lacageed sidaas uga qaadan jireen.
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali ayaa sheegay inay kooxdan ay dadka masaakiinta ah ku dhici jireen magacyo been abuur ah