Gabadha asalkeedu yahay Soomaali ee ka tirsan Aqalka Koongareeska ayaa weerar culus kala kulantay ereyo ay baraha bulshada soo dhigtay oo lagu eedeeyay inay yuhuud naceyb muujinayaan.
Ilhaan Cumar ayaa ururka u ololeeya danaha Yuhuudda ee Mareykanka ka dhisan oo ah ururka ugu awoodda badan dalkaasi oo siyaasiyiin badan ku xiran yihiin laguna magacaabo AIPAC ku tilmaantay inuu yahay urur dhaqaale ku bixiya taageerada Israa’iil oo siyaasiyiin badan oo Mareykan ah culeys ku hayo, kuwaasoo dhaqaalah ay ka helaan ururkaasi u taageera Israa’il.
Arrintan ayaa lagu qabsaday Ilhaam Cumar iyadoo xubno ka tirsan xisbiyada Jamhuuriya iyo Dimoqradiga ay ku eedeeyeen inay hurineyso Yuhuud naceyb oo ah arrin si weyn looga cabsado Mareykanka.
Ilhan Cumar oo ku cusub Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa ugu danbeyn raali galin ka bixisay Twitter-kii ay qortay, iyadoo gashay xaaladii ugu cusleys intii ay xilkan timid, xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb.
Ilhaan ayaa xalay baahisay qoraal ay raaligelin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday kadib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi
“Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka, Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.
Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.
Ilhaan ayaa waxaa weerar joogto ah ku haya kooxda taageerta Trump iyo Sacuudiga, waxaana warbaahinta FOX News ee u xaglisa Madaxweyne Trump lagu baahiyey weerarro ka dhan dhan gabadhan oo ay beegsanayaan si ay sharafteeda u wasaqeeyaan dhinacyo kala duwan.
HOOS KA AKHRISO RAALIGELINTA ILHAAN OO AY KA MUUQATO INAY WELI GEESIYAD TAHAY
