Kooxda Alshabaab ay war ay soo saartay ku sheegtay inay khaarijiyeen wadaadka C/weli Cilmi Yare oo xaruntiisu tahay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
War kasoo baxay Alshabaab oo lagu baahiyey warbaahinta AlShabaab ayaa lagu sheegay in weerar halyeynimo ah lagu qaaday xarunta C/weli Cilmi Yare ayna ku dileen ninkaasi iyo 11 askari oo ilaala u ahaa.
Kooxda AlShabaab ayaa warkooda ku sheegay in muslimiinta caalamka gaar ahaan gaar ahaan kuwa Soomaalida ugu bishaareynayaan in laga hor leexiyay Ninkii gaaloobay ee Nabinimada sheegtay, sida lagu yiri warka Alshabaab.
Xarunta weerarka lagu qaaday ayaa ahayd mid si weyn loo ilaaliyo, waxaana Sheekha uu lahaa ilaalo fara badan oo isugu jira kuwo hub sita iyo qaar ku hubysan Warmo, waxayna wararku sheegayaan in ilaa 20 qof ay ku dhinteen weerarka, halka la qabtay qof ka mida dadkii weerarka qaaday.