Wararka laga helayo degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dad ay qafaasheen Al-Shabaab meydadkooda laga helay duleedka magaalada.
Dadka la dilay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen shan ruux oo xoogsato iyo ganacsato isugu jiray. Alshabaab ayaa la sheegay inay siyaabo kala duwan u dileen dadkaasi markii qabsadeen Tiyeglow markii lagu eedeeyeen inay la shaqeyn jireen ciidamada Itoobiya.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) ayaa sheegay in xaalad cabsi ah oo kacsan ka jirto degmada Tiyeglow, iyadoo dadka yar ee ku haray ay soo wajaheen xaalado adag.
Dad fara badan oo ka barakacay degmada Tiyeeglow ayaa gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo Xudur lafteeda laga cabsi qabo inay ka baxaan ciidamada Itoobiya.
Wadani.com