Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay Galabta dagaal culus kula wareegeen degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laba jiho ka weerareen Moqokori oo hore loogasaaray iyagoo dagaal kedis ah la galay ciidanka Dowladda ee halkaasi ku sugnaa oo markii dambe isaga baxay halkaasi.
Al-shabaab ayaa faafiyey inay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanka Moqokori, iyagoo qabsaday saddex ka mida Gaadiidka dagaalka ee ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa kacsan iyadoo Isgaarsiintii degaankaasina hawada laga saaray.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee Alshabaab qaado Bishan Ramadaan oo ka mida billaha ay sida weyn u geysan jireen weerarrada culus.