Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegay in qarax lagu dilay shan askari oo ka tiran ciiiamada Kenya iyadoo 10 kale ay dhaawacmeen.
Arrintan ayaa ka dhacay jidka Kiunga-Sankuri ee degaanka Lamu, gobolka Xeebta ee dalka Kenya, kadib markii gaari weyn oo ay la socdeen ciidamda uu dul maray Miino, weerarkan oo ahaa mid qasaare xoog leh kasoo gaaray ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ka dambeysay Alshabab.
Faahfaahin warkan ayaa hadda uun soo baxday sida ay soo weriyeen warbaahinta Kenya oo sheegtay inuu qaraxu dhacay saaka oo Arbaco ah.