Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
War ay goor dhoweyd soo saartay kooxda AlShabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay saraakiisha NISA oo lagu dilay degmada Waaberi, iyadoo sheegtay inay ka mid ahaayeen saraakiisah dhar-cadka ah, iyagoo ka qaatay laba Bistlood oo ay wateen.
Dilka Alshabaab sheegatay ayaa maanta lagu khaarijiyey Axmed Cali Woosh oo la sheegay inuu ahaa Guddoomiyaha Laan ka tirsan Waaxda Timacade ee degmada Wadajir, kana mid ahaa NISA iyo qof kale oo la socday.