Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay qarax ka dhacay magaalada Baydhaba oo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
War kasoo baxay Alsahbaab ayaa lagu sheegay inay qarax miino la beegsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa xaafadda Hareri-kadiyow ee magaalada Baydhaba, halkaasina ay ahayd bar ku sugnaayeen ciidamo.
Qaraxa aya Shabaab sheegatay inay ku dishay 4 askari, kuna dhaawacday tiro kale, iyadoo markaas kadib ay ciidamad xiteen xaafadaasi ka tirsan Magaalada Baydhaba.
Dadka magaalada ayaa sheegay in miinada lala beegsaday dad shacab ah oo barakacayaal ah, waxaana miinada loogu aasay goob ay ku ciyaari jireen ciyaar dhaqameed, waxaana ku dhintay 2 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 13 kale.