Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe aya sheegay in kooxda Alshabaab aay toogasho ku fulisay 5 nin oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay basaasnimo.
Raggan ayaa maxkamadda Alshabaab sheegtay in lagu helay Basaasnimo, iyadoo lagu toogtay fagaare dadweyne la isugu keenay oo ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, waxaana lagu soo eedeeyay inay u basaasayeen sirdoonka dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya.
Ragga la dilay oo da’doodu u dhaxaysay 22 jir ilaa 36 jir, waxayna kala yihiin:
1- Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa sirdoonka Mareykanka.
2- Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Bangaraafta Mareykanka.
3- Jeylaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ah oo lagu eedeeyay Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda Federaalka.
4- Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano jir ah oo lagu eedeeyay sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI6.
5-C/qaadir Isxaaq Amiin oo isna lagu eedeeyay inuu basaasiin Dowladda Federaalka uga qorayay gobollada Jubbooyinka.

![Kooxda Alshabaab oo toogasho ku fulisay Rag lagu soo eedeeyay Basaasnimo [Akhriso Magacayda]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2015/09/Toogasho.jpg)