Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar jid-gooyo ah u dhigeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.
Weerarka ayaa ka dhacay duleeda degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo weerarku ku bilowday Qarax haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada, kadibna waxaa lagu qaaday weerar toos ah, kaasoo dhaliyey qasaare xoog leh oo ciidamadaasi soo gaaray.
Waxaa Qarax qabsaday Gaari yar oo ay la socdeen Ciidamada dowladda, waxayna waarkii ugu horeeyay sheegayaan in qarax miinada ay ku dhinteen ilaa 10 askari, waxaana qasaare kale soo gaaray ciidamadii kale.
Jidka isku xira degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayey k dhacaan weerarro dhabagal joogto ah oo Alshaabaab ka fuliso, waxaana hore loo dilay askar fara badan iyo xildhibanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
FAAHFAAHIN DHEERAAD AH WEERARKA HOOS KA AKHRISO
Kooxda Alshabaab oo weerar Jid-gooyo ah u dhigtay Ciidamo ka tirsan Dowladda & Askar lagu laayey