Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay tababare cusub oo kooxda leylin doona inta ka harsan xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxda shaqada ka eryeen tababarihii hore ee caanka ahaa Jose Mourinho.
Kooxa ayaa sheegtay in tababarihii hore ee kooxda Guus Hiddink loo magacaabay inuu bedelo Jose, isahoo kooxda leylin doona ilaa bisha May ee sanadkan 2016.
Chelsea oo maanta la ciyaareysa kooxda Sunderland ayaa ku jirta xilligii ugu xumaa taariikhdeeda cusub, waxayna ku jirtaa kaalinta 16-aad iyadoo qarka u saaran kooxaha dib ugu laabanaya heerka labaad.
Hiddink oo u dhashay Holland hore Chelsea u soo leyliyay ayaan ahayn tababare joogto ah, wuxuuna kaliya noqon doonaa kumeelgaar isagoo ka soo muuqan doona ciyaarta galabta inkastoo aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin oo kooxda ay hogaamin doonaan Steve Holland iyo Eddie Newton.
Wadani.com