Ciyaartii furitaanka Koobka maamul goboleedyada dalka ee maanta dhacday Garoonka Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho
ayaa guul weyn waxaa ka gaartay kooxda Gobolka Banaadir kadib markii ay ku durdurisay kooxdii ka socotay maamulka Koonfur Galbeed.
Ciyaarta oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , waxaa kaloo ka qeybgalay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo kumanaan dadweyne.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 3 iyo 0, oo ay ku hogaamineysay kooxda Kooxda Gobolka Banaadir. Markii la isku soo laabtay ayaa qeybtii labaad waxay ciyaartii ku dhammaatay 5-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Gobolka Banaadir
Wadani.com