Kooxda Puntland oo ah horyaalka maamul Goboleedyada dalka kadib markii ay ku guuleystay koobka
tartankii maamulada dalka ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa diyaarad la’aan ugu xayiran magaalada Muqdisho.
Kooxda ayaa la filayay inay maanta ka tagto magaalada Garowe oo dadweyne badan ay isu diyaariyeen soo dhoweynteeda isla markaana xamaasad badan iyo diyaar garow weyn loo galay, laakiin waxaa baaqatay kooxda oo diyaaradii soo qaadi lahayd la waayay.
Wararka qaar ayaa sheegaya inaysan jirin diyaarad toos u aadeysa Garowe, kuwii magaalada Gaalkacyana aysan rabin kooxda inay raacaan, taasina ay keentay xaalad cakiraan ah.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa laga codsaday inuu diyaarad u diro kooxda oo haddii aan xaalad la soo faragelin ay dib u dhac weyn la kulmi karto, mar haddii aanay jirin diyaraado rakaab oo tegaya Magaalada Garowe.
Dadweyne fara badan oo ku sugan magaalada Garowe ayaa ka careysan in waqtiga oo ku dheeraada ay keeni karto inay jabto xamaasadii ay u hayeen kooxda iyo guushii ay ka gaartay tartankii Muqdisho ka dhacay.
Wadani.com