Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Kooxda UN Monitoring Group oo War kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Shirkadda Hormuud

    Kooxda UN Monitoring Group oo War kasoo saartay weerarrada loo geysto xarumaha Shirkadda Hormuud

    November 17, 2019Updated:November 18, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda UN Monitoring Group ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ku saabsan Soomaaliya, iyadoo ay kooxdu warbixinteeda kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiineed ee ugu weyn Soomaaliya.

    UN Monitoring Group ayaa si faahfaahsan kaga hadashay weerarradii loo geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo weeraro uga yimid Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM. Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta UN Monitering Group oo dhameystiran:
    Bartilmaameedka laga dhiganayo Shaqaalaha & Xarumaha Shirkadda.

    Guddi khubaro ah ayaa helay warbixinno ku aadan weerarrada ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Goboka Gedo, Waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah.

    Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen in ay si madax banaan u ogaadaan in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay weliba ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo lagu shaqeynayo Mandate-ka u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo rayid ah.

    Sidoo kale guddiga waxay heleen sawirro caddeymo ah oo muujinayaan bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay, waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee lasoo saaray 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalla ma dhigayo in bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray 2-dii Maarso 2019.

    24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qof qaraabadiisa ha xarunta Xiiso-Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo. 15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Bulaay oo katirsan degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay jir dileen waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay.

    27-kii Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay si ku talo gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws–Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq, Gobolka Gedo.

    Burburinta ay ciidamada Kenya u geysanayaan isgaarsiinta Hormuud waxaa ka dhashay xaalad Bini’aadanimo, mid dhaqaale iyo mid hantiyadeedba. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad Bini’aadinimo looga fuliyo gudaha Soomaaliya xilli walbo.

    Sidoo kale waxaa istaagay shaqadii xawaaladaha & lacagihii la isigu diri jiray Mobile-lada oo dadka shacabka ah isticmaali jireen, arrintaas oo sababtay in dhibaato xooggan ay soo gaarto dadka deegaanka tan iyo markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan.

    Hormuud Top UN monitoring group
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUrurkii Afraad ee Ciidamada Gorgor oo tababar Kumaandoosnimo loogu qaaday dalka Turkiga [Sawirro]
    Next Article Afhayeenka & Xoghayihii Xisbiga Waddani oo lagu xiray Hargeysa & Xiisad ka dhalatay Bannaanbixii Xisbiga ku baaqay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo