Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Kormeerayaal Caalami ah oo la dhex dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo [War-saxaafadeed]

    Kormeerayaal Caalami ah oo la dhex dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo [War-saxaafadeed]

    November 20, 20163 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    The international partners
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    WAR-SAXAAFADEED: Koox caalami ah oo qaabilsan la-socodka xabad-joojinta ayaa la geeyay gaalkacyo si ay u taageeraan heshiiska xabbad-joojinta ee ay gaareen Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed

    Muqdisho, 19 November 2016 – Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiski ay shalay gaareen Madaxweyayaasha Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Cabdikarim Xuseen Guuleed ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, heshiiskaas oo uu dhexdhexaadinayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke si loosii amba-qaado xabbadjoojinta haatan ka jirta Gaalkacyo loona sameeyo aag ka caaggan ciidanka oo gaaraya laba kiilomitir una dhexeeya labadooda ciidan ee deggan magaalada.

    Kooxda caalamiga ah ee xabbad-joojinta oo uu horkacayay Urur-Goboleedka IGAD taageerana ka helaysay Qaramada Midoobay ayaa maanta la geeyay Gaalkacyo. Kooxdu waxay guda gashay hawsheeda waxayna la kulmeen labada madaxweyne maamul goboleed, Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilada beelaha labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso.

    Dowrka kooxda caalamiga ah ee xabbad-joojinta wuxuu noqon doonaa la-shaqaynta 18ka xubnood ee guddiga iskudhafka ah ee wakiilada Puntland iyo Galmudug ee ka talabixinaya gacanna ka geysanaya qabanqaabada dhabta ah ee lagu hirgelinayo xabbad-joojinta, kalsoonina looga dhex abuurayo maamulada labada dowladood, taas oo lagu gaari doono nabad waarta iyo geedi-socod dib u heshiisiin.

    Mas’uuliyadda ugu horreeysa ee dhaqan-gelinta iyo la-socodka xabbad-joojin lagu heshiiyo oo laga gaaro gudaha iyo hareeraha magaalada lagu muransanyahay ayaa waxay saarantahay labada madaxweyne maamul goboleed iyo ciidamadooda amniga. Xubnaha IGAD iyo Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqayn doonaan labada dhinac si loo xaqiijiyo in heshiiski shalay Gaalkacyo ku gaareen Madaxweynayaasha Guuleed iyo “Gaas” in si buuxda loo fuliyo loona ixtiraamo.

    In si kama dambays ah loo joojiyo colaadda Gaalkacyo waxay lagama maarmaan u tahay soo noqoshada dadkii ka barakacay magaalada oo kusoo noqda guryohooda, sidoo kale waxay lagama maarmaan u tahay inay guuleystaan dadaalada lagu xallinayo sababaha dhaliyay colaadda. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD waxay diyaar u yihiin inay taageeraan labada madaxweyne maamul goboleed iyo hogaamiyeyaasha beelaha Gaalkacyo oo ku heshiinaya tallaabooyin lagu abuurayo kalsooni, loogana hortegayo in qawadayaal ay wiiqaan xabbad-joojinta, rajana loogusoo celinayo dadka rayidka ah ee deganaa magaalada ee go’doonsan.

    “Kooxda xabbad-joojinta ee manta la geeyay Gaalkacyo waxay calaamad u tahay muhiimadda ay beesha caalamka ugu fadhido xal u helidda colaaddan,” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Kooxdu waxay labada dhinac kala talin doontaa hirgelinta iyo la-socodka xabbad-joojinta waxayna dhisi doontaa tayada iyo kalsoonida uu Guddiga Isku-dhafka ah kusii xoojinayo xabbad-joojinta. Tani waxay asaas u noqon doontaa wadahadalo lagu xallinayo dhibaatooyinka soo jiitamayay ee sababta u ahaa colaadda.”

    Gaalkacyo IGAD Kormeerayaal caalami ah
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIGAD oo bilowday Qorshe ciidamo Itoobiyaan ah lagu geynayo Gaalkacyo [Kormeeryaal la geeyay magaalada]
    Next Article Wasiir laga joojiyay inuu u tartamo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya [Waa kuma?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo