Maxkamadda Drajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Gaashaanle sare G/sare C/Naasir Xoosh Maxamed oo ahaa Taliyihii Raxanta Doomaha Badda, kadib dil bareer ah u geystay Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed Saciid Aadan Yuusuf (Mariino).
Abaanduulaya ayaa 18-01-2018 lau dilay gudaha Dekadda weyn ee Muqdisho, marki ay murmeen, waxaana maxkamadda sidoo kale ay darajada ka xayuubisay sarkaalka, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya.
Go’aanka maxkamadda ayaa noqday in C/Naasir Xoosh Maxamed lagu xukumo xil ka xayuubin iyo dil toogasho ah, iyadoo eedeysanaha uu heysto fursad kale oo uu ku dalban
Kiiskan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Soomaaliya sid ay sheegtay xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida.