Koronto la’aan xoog leh oo aahsan ayaa ku habsatay guud ahaan dalka Itoobiya kaddib markii ay cilad farsamo ku timid mid ka mid ah biyo-xireennada korontada laga dhaliyo ee dalkaasi.
Koronto la’aantan ayaa bilaabatay xalay kaddib markii uu karkaarada goostay mid ka mid ah Kanaallada biyo-xireenka Gibe III oo ku yaalla Koofurta dalka Itoobiya, taasoo keentay in magaalooyin badan ay noqdeen koronto la’aan.
Warbaahinta qaranka dalkaasi ayaa sheegtay in injineerrada shirkadda korontada Itoobiya ay xalliyeen cilladdii. Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah meelaha ka baxsan caasimadda ayaysan wali u soo noqonin korontadii.
Biyo-xireenka oo laga dhaliyo 1,800 Megawatts oo quwadda korontada ah, ayaa ahmiyad u leh Itoobiya. Koronto la’aanta dalkaasi ayaa ah mid soo laalaabata, inkastoo Itoobiya ay maalgashi wayn ku hayso biyo-xireennada quwadda korontada laga dhaliyo.
Waxay haatan webiga Nile ka dhiseysaa hannaanka quwadda korontada oo noqon doona kan Afrika ugu weyn.
Mashruucaas oo ay ku baxayso $4bn, ayaa waxaa ka soo horjeedsaday Masar oo sheegeysa in biyo-xireenkani uu saameynayo biyaha dalkeeda.
Wada-hadallo lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dib u dhacay.