In ku dhow boqol qof oo Soomaali ah, lagana soo tarxiilay dalka Mareykanka ayaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.
Dadkan ayaa tiradoodu gaareysaa 68 qof, waxaana aya ahaayeen intooda badan kuwo katiinado ay ku xiran yihiin oo lasoo mariyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya inay dadkan Mareykanku soo tarxiilay ay u badnaayeen dhalinyaro isla amrkaana laga soo saaray xasbsiyo ay uga jireen dalka Mareykanka.
Tarxiilka Soomaalida Mareykanka ee lagu helay falal dembiyo ah iyo sharci darro ay dalkaasi ku joogeen ayaa bilowday markii uu talada Mareykanka qabtay Madaxweyne Trump, laakiin kiisaska dadkan ayaa ahaa kuwo hore u diyaarsanaa.
Wadani.com