Dad ku dhow 80 qof ayaa lagu dilay weerar qaraxyo ah oo ka dhacay laba goob oo Ganacsi oo ku yaala caasimadda Ciraaq ee Baqdaad sida laga soo xigtay Booliska iyo Isbitaalada.
Qaraxyada oo ahaa kuwo aad u xoog badan ayaa lala beegsaday suuqyo ganacsi oo ku yaala degmada Karaada eee bartamaga Baqdaad, xilligan Ramadaanku sii dhamaanayo dadku buux dhaafiyeen.
Weerarka hore ayaa ugu qasaare badnaa ayaa ahaa kii ugu horeeyay waxaana tirada dhaawacyada ay sare u dhaafeen 132 qof.
Kooxda islaamiga ISIS ayaa sheegatay inay ka danbeysay weerarada oo ahaa kuwii ugu xumaa ee dhowaanahan ka dhaca magaalada Baqdaad.
