Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan xilka la wareegay Adam Abdelmoula.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta Xafiiska Qaramada ee Puntland, waxaa looga hadlay mashaariicda ay Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland oo ay ugu horeyso arrimaha bani’aadantinimada.
Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula oo sidoo kale xafiiskaasi u qaabilsan arrimaha bani’aadantinimada, wuxuu sheegay in Puntland ay ugu danbeysay 2002-dii, haddana uu arko in Puntland ay sameysay isbedel weyn, dhinacyada dhismaha,
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Qaramada Midoobey ka hayso Puntland, wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira deegaanada iyo xaaladdaha bani’aadanimo ee la darsay.
Arrimaha Dimuqraadiyada Puntland ayaa kulanka looga hadlay, wuxuu Madaxweyne Deni la wadaagay Xafiiska Qaramada Midoobey in ay ka go’antahay Dowladda Puntland hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, dhowaana Dowladdu daah-furtay qorshaha shaqo ee Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah ee Puntland.