Weerar ay diyaarado dagaal ku qaadeen degaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa la sheegay in lagu dila taliyeyaal sare oo ka tirsan Alshabaab.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiisha lagu dilay weerarkii xalay ka dhacay uu ka mid yahay C/ramaan maxamed Warsame oo loo yaqaan Mahad Karate.
Duqeyntan ayay qaadeen diyaarado loo maleynayo inuu Marykanku leeyahay ayaa xalay weerar ku qaaday xarumo ay Alshabaab ku leeyihiin degaanka Toora-toorow oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab ku leeyihiin kooxda Alshabaab.
Kenya ayaa hore u sheegtay inay dishay madaxii sirodonka Al-Shabaab iyo toban qof oo kale weerar 8-dii bishan Febraaryoo ee sanadkii hore 2016 ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, laakiin Alshabaab ayaa beeniyay.
Mahad Karatey ayaa ka mida ku xigeenada amiirka Alshabaab iyo madaxa Sirdoonka, waxaana lagu eedeeyaa inuu abaabulay weerarkii saldhigga Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan oo Kenyaan ah lagu laayay.
Wadani