Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo qaar ka mida musharixiinta madaxweynaha ee saameynta leh, kadib khilaafka soo dhaac baxay ee kala dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha sheegay inuu kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Shiik Ahmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo aaan la bixin faahfaahin kale.
Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay si buuxda u taageereen Ra’iisal wasaare Rooble iyo inuu yahay madaxa ugu sareeya ee dalka hoggaamiya xilligan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.
Xalay ayuu Rooble la kulmay Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sidoo kale ay ka wadahadleen xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashada.
Midowga Musharixiinta ayaan weli taageerin tallaabada uu aaday Ra’iisal wasaaraha, kadib markii uu go’aan kasoo bixi waayey shirkoodii xalay ay ka yeesheen khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa ilaa iminka si buuxda u taageerey inuu Ra’iisal wasaare Rooble dalka hoggaamiyo inta lagu jiro xilliga Doorashada ee kala-guurka ah.
