Kulan adag ayaa dhex maray Ganacstada magaalada Muqdisho oo ka gadoodsan canshuur ay ku soo rogtay xukuumadda Soomaaliya iyo xubno uu horkacayo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Kulanka oo ahaa mid xal loogu raadinayo khilaafka ka dhex taagan wasiirka Maaliyadda iyo Ganacsatada ayaa waxaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ku wehliyay wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo xubno kale.
Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada ay ku adkeysteen in laga noqdo canshuurta lagu soo rogay ama dowladdu canshuurta iibka ay ka qaadato suuqyada Muqdisho, waxaana dood dheer kadib la sheegay inaan weli heshiis rasmi ah laga gaarin arrintii canshuurta.
“Aniga iyo R/Wasaare Xassan Cali Kheyre waxaan la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka wadahadalnay bixinta Canshuuraha. Ganacsatadu waxay mudanyihiin Qadarin waana muwaadiniin ka soo qeyb qaadatay dib u dhiska Dalka iyo horumarka lagaaray, Wadashaqayn ayaan dhamman ku hormarikarnaa…” ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlay kulanka dhex maray labada dhinac.