Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhoweyd kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson oo Muqdisho ku soo gaaray booqasho aan hore loo shaacin.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo la yeeshay xoghayaha arrimaha dibada Britian aya ka dahcay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana looga hadlay xiriirka labada dal iyo arrimaha abaaraha.
UK oo dhowaan ku dhawaaqday inay deeq dhan 100 milyan Doolar siineyso Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha dalka aafeeyay ayaa ku dhawaaqay kaalmo degdeg oo dalka Ingiriiska ka geysanayo xaaladda Abaaraha Soomaaliya.
Waxaa kaloo la sheegay in Boris Johnson uu madaxweyne Farmaajo kala hadlay shirka arrimaha Soomaaliya ee London ka dhici doona Bisha May ee sanadkan, kaasoo ay wada guddoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Britian.
Wadani.com