Waxaa maanta kulankii labaad xarunta madaxtoyada magaalada Muqdishi ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka ayaa la xiriiray diidmada ka timid siyaasiyiinta Mucaaradka dowladda ee hore uga mid ahaa isbaheysigii Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee ku saabsan Go’aanadii kasoo baxay Madasha Wadatashiga Qaran.
“Aniga iyo Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud waxaan maanta yeelanay kulan gaar ah. Kulankan oo ahaa kulankii labaad ee aan yeano wuxuu gogol xaar u ahaa shir ay isku arki doonaan siyaasiyiintii horay u diiday Heshiiskii GWQ ay soo saareen”. ayuu Sheekh ku yiri qoraal uu soo saaray kulanka kadib.
Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku raaceen in shirkaasi uu si degdega u qabsoomo, kana soo qayb galaan siyaasiyiintii soo saaray warmurtiyeedkii looga soo horjeeday heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.
Sidoo kale Sheekh Shariif wuxuu sheegay in isla soo qaadeen Madaxweynaha Xaalada Dalka iyo arrimaha lagu kala aragtida duwan yahay.
Dhinaca kale madaxtooyada soomaaloiya ayaa qoraal kasoo baxay lagu soo hadal qaadin arrinta shirka ay isku afgarteen Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana lagu soo koobay inay ka wada hadleen xaaldda guud iyo dagaalka Alshabaab.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo”. ayaa lagu yiri Qoraalka madaxweynaha.