Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Feeraalka ayaa isugu yeeray xildhibaannada inay Berri isugu yimaadaan kulan gaara oo uu hadal ka jeedin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Farriin ay xogheynta Golaha Shacabka goor dhoweyd u dirtay xildhibaaanada Baarlamaanka ayaa lagu yiri: “Beri oo Sabti ah oo ay Tar. 06 February, waxaa jira Kulan Gaar ah oo Madaxweynaha JFS soo codsaday. Agendaha 1. Warbixin ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka Qaranka”
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo aan heshiis lagu gaarin shirka madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku adkeynsanayo inuu qabsoomida shirka Baarlamaanka inuu galabta halkaasi ka dhoofayo iyadoo aan heshiis la gaarin.
Lama oga waxa uu madaxweyne Farmaajo u sheegi doono Baarlamaanka xilli la isku mari la’ yahay qabashada Doorashada, waxayna warar hore usoo baxay sheegayeen inuu Baarlamaanka weydiisan doono muddo kordhin.
