Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Kulan lagu taageerayo Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Magaalada Oslo, Norway [Sawirro]

    Kulan lagu taageerayo Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Magaalada Oslo, Norway [Sawirro]

    December 12, 20163 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Magaalo madaxda dalka Norway ee Oslo ayaa waxaa xaley 10.12.2016 ka dhacey kulan Aqooneed aad u balaaran oo lagu tageerayey, laguna bari-taarayey dib u hana-qaadka Jaamacadda Umadda ee Soomaaliyeed.

    Kulan aqooneedkaan oo ay kasoo qaybgaleen, aqoonyahan, indheergarad iyo mas’uuliyiinta xoogaga u dhaq-dhaqaaqa adeega bulshada ee jaaliyada Norway ayaa ahaa mid lagu lafagurayey hanaanka tacliinta sare ee gayiga Soomaaliya xiligan, iyo gaar ahaan kaalinta udub-dhexaadka ee ay qaadan karto Jaamacadda Umadda oo iyadu dib ugu holwgashey afar sanno ka hor.

    Prof. Aaden Guuleed Shabeel, gudoomiye ku xigeenka arimaha akdeemiyadda iyo cilmi baarista ee Jaamacadda Umadda oo warbixin qiiro ka jeediyey kulan cilmiyeedkaas ayaa soo bandhigey sharaxaad balaaran oo la xiriirta qaabkii ay dib ugu howlgashey Jaamacadda Umadda oo runtii u ekaa markii la dhageystey warbixintiisa wax la mid ah mucjiso.

    Mudane Shabeel ayaa ku tuuntuunsasey sida ay biyo kama dhibcaanka u tahey in guntiga dhiisha laysiga dhiggo, loona middeeyo xoogga wadaniga ah, si taageero hil iyo hoo leh loola garab istaago Jaamacadda Umadda oo iyadu ah hanti iyo dhax Soomaali wada leedahey.

    Gudoomiye Shabeel ayaa intii uu socdey kulan aqooneedkaas soo bandhigey Docment iyo macluumaad daaha ka rogeytey howsha wax ku oolka ah ee u qabsoontey Jaamacadda xiligii aadka u yaraa ee ay dib u furantey, iyadoon waliba taageero ka helin meelo kale, waxeyna soo idbixisey sida ay suuro galka u tahey in isku tashigu u yahey jidka kaliya ee u horseedi kara bulshada Soomaaliyeed dib u soo kabasho dhab ah.

    Aqoonyahanka Iyo ildheer garadka jaaliyadda reer Norway ee kulan aqooneedkaad kasoo qayb galey ayaa iyaguna waxey caddeeyeen sida ay raaliga uga yihiin uguna khushuucsanyihiin howsha geesinimada leh ee Prof. Aaden Guuleed Shabeel iyo saaxiibadii ay dhiirradeen, kagana miro dhaliyeen howsha dib usoo nooleeynta Jaamacadda Umadda ee Soomaaliyeed. Hogaamiyayaasha jaaliyadda iyo aqoonyahanka ayaa intii uu kulan aqooneedkaas socdey soo jeediyey hababka ugu cuddoon ee lagu taageeri karo Jaamacadda iyo guud ahaan, dhaq-dhaqaaqyada tacliinta dalka.

    Dr. C/rashiid Cali Warsame iyo Dr. Geelle oo ah laba cilmi baare oo ka tirsan Jaamacadda Oslo, isla markaasna iyagu qayb ka ahaan aqoonyahan badan oo ka gayb galey shir cilmiyeed ay Jaamacadda Umaddu ku qabatey caasimadda Muqdisho bishii Luuliyo ee sanadkaan ayaa qirey howsha lagu dhaadan karo ee ay ku mashquulsanyihiin teamka Dib u aas asayaasha Jaamacadda Umadda, waxeyna cabireen dareen niyad wanaag ku dhisanyahey ee ay ka qabaan qaabka tacliineed ee dalka marka la barnardhiggo burburkii aadka u balaarnaa ee dalka ka dhacey.

    Guud ahaan kulan aqooneedkii Xaley ee magaalada Oslo oo ahaa mid lagu taageerayey Jaamacadda Umadda ayaa ahaa mid dhiig cusub galiyey hanka jaaliyadda dalka Norway sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u yagleelka hanaanka waxbarasho ee dalka si loo badbaadiyo jiilasha Soomaaliyeed ee dayacan.

    DAAWO SAWIRRO

    Jaamacadda Umadda JUS Norway Oslo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Galmudug oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Xildhibaanada lagu doortay Cadaado (Sawirro)
    Next Article DHAGEYSO: Goobtii laga dhoofiyay xoolihii laga soo celiyay Sacuudiga oo la shaaciyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo