Madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho ayaa xarunta madaxtooyada uga qeyb galaya xaflad lagu maamuusayo maalinta nabadda adduunka sanad kasta loo dabaal dego 21-ka September, iyadoo ay sidoo kale xafladda ku sugan yihiin Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha Caalamka.
Xafladda xuska maalinta nabadda oo u usoo qabanqaabiyay ayaa dejisay xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay shirka wadatashiga ee is mari waaga ka dhashay, waxaana xafladda la isku weydaarsaday khudbado ku saabsan nabadda Soomaaliya.
Madaxda ka hadashay xafladda waxaa ka mida Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/weli Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed. waxaa kaloo ka hadlay ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]