Waxaa goor dhow eyd ka furmay xarunta Baarlamaanka Federaalka ee Villa hargeysa kalfadhigii koowaad ee dBaarlamnanka 11-aad, Kulankiisa 1aad.
Kulankan waxaa guddoomiyana Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Danjire C/sallaan Axmed Dhabancad, waxaana xogheyta Baarlamaanka ay shaacisay Ajendayaasha kulankan horyaalla oo kala ah:
1- Furitaanka aayadaha Quranka Kariimka
2- Ansixinta Ajendaha
3- Dhaarinta Xildhibaano cusub
4- Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ah Mudane Cabdisalaam Axmed Liibaan
5- Qeybinta Dastuurka
6- Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS
7- Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.
Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa u badan dad ku cusub Baarlamaanka iyo xildhibaannimada oo ay ka mid yihiin dhalinyaro.



