Akhriso Warbixin: Sababta ugu weyn ee Kooxda Farmaajo u dooneyso in Dib loo dhigo Doorashada Guddoonka labada Aqal iyo taageerada ay heysato
Waxaa maanta kulan wadajir ah yeelanaya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo muhiimada kulanka ay tahay in lagu ansixiyo habraaca Doorashada Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha.
Xogheynta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa isugu yeeray xildhibaannada, waxaana farriimo loo diray loogu sheegay inay kasoo qeyb galaan kulanka wadajirka ah ee maanta Isniin ah 18-ka April 2022 ay yeelan doonaan labada Gole, waxayna ajendayaasha looga hadlayo kala yihiin:
1- Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha
2- Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka
Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada jir ah yeeshay, ayaa ka wada hadlay xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha, waxa ayna go’aamiyeen in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo labada Gole Maalinta beri ah ay isugu imaanayaan.
Waxaa xowli ku socota shaqada Guddiyada Qabanqaabada Doorashada Guddoonka labada Aqal oo shalay kulan wadajir ah yeeshay, waxayna diyaariyeen jadwal doorasho oo ay doonayaan in Doorashada labada guddoon lagu qabto aakhirka Bishan April 2022.
Dhinaca kale waxaa soo baxay olole ay kooxda Farmaajo ku dooneyso inay uga hortagaan doorashada Guddoonka labada Aqal, iyadoo bilaabay abaabulka xildhibaannada labada Aqal ee taageera iyo kuwa ay saameyta ku leeyihiin.
Kooxda Farmaajo iyo Fahad ayaa tan iyo xalay waday dadaal ay ku bixinayaan inay helaan xildhibaanno ku filan oo hor istaaga Qorshaha Doorashada Guddiyada labada Aqal ee Guddoonka Baarlamaanka, waxaana ujeedkoodu yahay in dib loo dhigo Doorashada Guddoonka labada Aqal oo laga dhigo Ramadaanka kadib.
Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in tirada xildhibaannada ee ay taageerada ka heleen ay gaarayaan ilaa 180 xildhibaan si dib loo dhigo Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, laakiin tiradaasi ayaa lahu sheegay mid aan xaqiiqo ahayn kaliya ay heli karaan xildhibaanno ku dhow 100.
Kooxda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ujeedka ugu weyn ee ay leeyihiin uu yahay inay dib u dhigaan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, si Fahad Yaasiin ugu suuragasho inuu u tartamo guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, iyagoo rajo ka qaba in Maxkamadda Sare sharciyad u siin doonto jagada xildhibaan ee uu kusoo baxay.
Fadhiga maanta ee labada Aqal ku dhan yihiin ayaa noqon doona mid lagu ogaado taageerayaasha ay Farmaajo iyo kooxdiisa ku leeyihiin Baarlamaanka cusub ee 11-aad, waxaana xildhibaannada ay isku halleynayaan u badan kuwa kasoo jeeda maamulka K/Galbeed.
