Waxaa duhurnimaii furmay kulankii afraad ee Kaldhiga 7-aad ee Golaha Shacabka, iyadoo maanta looga doodayo Xererka qoondada Haweenka ee Doorashada oo socota.
Waxaa shirka guddominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, wuxuuna ku furmay xildhbiaan, wuxuuna ajdanaha ahaa Ka-doodista Xeerka Qoondada Haweenka, waxaana isla maanta guddoonka loo gudbiyey Mooshin ku saabsan Qoondada haweenka oo ay ku saxiixnaayeen 132 xildhibaan.
Mooshinka ayaa lagu dalbanayaa in kuraasta xildhibaanada haweenka loo qoondeeyay labada Aqal ay ku tartamaan oo kaliya haween doorashada soo socota, isla markaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo ragga.
Waxa kaloo maanta kulanka Baarlamaanka lagu qeybiyey: Ku Noqashada Miisaaniyadda 2020-ka 3; Dib u qeybinta Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Dib u Qeybinta Hindise-sharciyeedka Socdaalka (Immigration Bill)




