Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta oo laba qorshe looga hadlay

    Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee maanta oo laba qorshe looga hadlay

    October 8, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aaddan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

    golewasiiro

    Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasadeedka Naafada Qaranka, waxaana sharaxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaaraddu in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aadan naafada Qaranka.

    “Qorshahan waxaan ugu talo galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay Wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.

    Golaha Wasiirada ayaa cod buuxa ku meel mariyay qorshahan, waxaana ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka Naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuq dhameystiran oo la mid ah mida dadka caadiga ah, sidoo kalena ay dadka Naafada ah helaan fursadaha shaqo ee hay’addaha dowladda iyo weliba shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay.

    Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa golaha Wasiirada sharaxaad dheer ka siiyay maalinta Dalxiiska caalamka oo ku beegneyd September 27.2015, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la horumariyo siyaasada dalxiiska ee dowladda, maadaama ay dowladdaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaalahooda dalxiiska.

     

    —Dhammaad—-

    Dalxiiska Golaha wasiirada Sharciga Naafada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMushaar La’aanta ciidamada oo halis gelisay dagaalkii ka dhanka ahaa Alshabaab (Warbixin Guddiga Q/Midoobay)
    Next Article Laacibka Messi oo qarka u saaran in la xiro muddo ku dhow laba sano ah

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo