Kulan ka mida kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay maanta yeelan lahaayeen ayaa u baaqday arrin la yaab leh.
Kulankan ayaa u baaqday Koorman la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanadii oo kaliya ay tageen tiro yar oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka.
Baaqashada fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa keenay iyadoo maanta la wada sugayo in lagu dhawaaqo golaha wasiirada cusub oo xildhibaano badan ay doonayaan inay goobjoog ka noqdaan ama xilal wasiiro ka helaan.
Xildhibaano badan ayaa go’aansaday inaysan tegin kulanka Baaramaanka iyagoo jeedaalinaya xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo laga sugayo dhawaaqa golaha wasiirada.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd lagu wargeliyay kooram la’aanta kulanka Baarlamaanka ee keentay inuu baaqo kulanki maanta.
Wadani.com