Wararla laga helayo gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay degnoo ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, oo weerar orsheysan ay ku qaadeen.
Ciidamada howlgalka qaaday ayaa ka koobnaa Kumaandooska Danab iyo ciidamada Mareykanka oo taagerayay, waxayna diyaarado ku daadiyeen degaanka Basra, iyo degaano dhowr ah oo u dhaxeeya labada Shabeelle sida tuulada Baqdaad, Berta Aadan Seeraar iyo kontoroolka Kala-beyr.
Ciidamada huwanta ayaa la sheegay inay maxaabiis ka sii daayeen degaanka Basra oo ah saldhig weyn oo Alshabaab ku leeyihiin Gobolka Sh/dhexe, waxaana weli socda howlgal la sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen degaano hoos taga degmada Afgooye oo lagu beegsanayo goobo Alshabaab ka abaabulaan weerarrada.
LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA WARKAN…