Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa nabadsugidda Soomaalida ee ALPHA ayaa markii ugu horeysay qaaday howlgal ay ugu gurmadeen ciidamo Uganda ka tirsan oo weerar ay ku soo qaadeen kooxda Alshabaab xilli ay isku dayayeen inay isbaaro ka qaadeen meel u dhow degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhow degmada Afgoooye.
Ciidamada Mareykanka ayaa dhinaca cirka weerar degdeg ah ku qaaday maleeshiyada weerartay ciidamada AMISOM, waxayna duqeyeen degaanada kooxda Alshbaab, kadibna waxaa halkaasi gaaray ciidamada gaarka ah ALPHA oo iyaguna saacado kooban la wareegay degaanada Sabiib iyo Caanoole kadib dagaal qaraar oo dhex maray Maleeshiyada Alshabaab.
Diyaaradaha dagaalka ee aan cidna wadin ee Drone-ka iyo kuwa qumaatiga u kaca ee Helikobtarrada Mareykanka ayaa gantaallo ku riday degaanka Sabiib, waxaana la soo weriyay in Buundada Zabiib ay ku degeen laba diyaaradood oo weerarka ka mid ahaa.
Alshabaab ayaa sheegatay inay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo Mareykan ah iyadoo aan wax faahfaahi ah bixin, waxaana dadka degaanka ay xaqiijiyeen in dagaalka oo bilowday aroortii saaka uu soo gaaray galabnimadii.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay weerar kala kulmeen al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen inay qaadaan isbaarro, kadibna ay ciidamada Marykanka duulaanka u qaadeen inay difaacaan ciidanka Uganda, iyadoo diyaarado dagaal ay gantaallo ku garaaceen tuullooyinka al-Shabaab.
Sarkaal Soomaali ah ayaa isna laga soo xigtay Ciidamada gaarka ah ee Somalia ee loo yaqaan Alpha oo ka baxay magaalada Muqdisho ay iyaguna tuullooyinkaaasi gaareen oo muddo kooban qabsadeen.
Dhageyso Wareysi VOA la yeelatay guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan
Wadani.com