Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa booqashadiisi ugu horreysay ee rasmi ah ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo magaalooyinka dalkaasi ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah oo ka horjeeda siyaasadihiisa.
Waxay Booqashada Trump ee UK qaadan doontaa saddex maalmood, isagoo la kulmay doona Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Theresa May iyo madaxda dalkaasi oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo muranka ganacsi ee ka dhaxaya dalalka Yurub iyo Mareykanka.
Dibadbaxyo ballaaran oo looga horjeedo madaxweyne Trump ayaa ka dhacaya magaalada London iyo magaalooyinka kale ee UK, waxaana isu soo baxaya laga qabanqaabiyey meel u dhow safaaradda Mareykanka ee London, xilli weyn ah loo adkeeyay ammaanka wadooyinka magaalada London.
Boombalo weyn oo ah cunug loo ekeysiiyay Donald Trump ayaa hawada loo diray si loogu muujiyo diidka reer UK ee Trump iyo dhaqankiisa siyaasadeed oo lagu eedeeyay inuu yahay cunsuri, waxaana ay hore hadallo kulul isu weydaarsadeen Duqa magaalada London, Sadiq Khan oo asalkiisu yahay Pakistan.
Mar madaxweyne Trump wax laga weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah ayaa waxa uu sheegay in uusan wax dhib ah ku qabin arrintaasi, oo dadka Britishku ay jecelyihiin isaga.