Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Kuraas lagu doortay Baydhaha oo Sharci-darro laga dhigay iyo Doorashada oo Dib loo qabanayo (Akhriso)

    Kuraas lagu doortay Baydhaha oo Sharci-darro laga dhigay iyo Doorashada oo Dib loo qabanayo (Akhriso)

    December 5, 2021Updated:December 5, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada heer federaal ayaa laalay laba kursi oo lagu doortay magaalada Baydhaba, kana dhigay sharci darro, kadib baaritaan lagu sameeyay qaabkii doorashadu u dhacday.

    Guddigad Doorashada heer Federaal ayaa gebi ahaan sharci darro ka dhigay doorashada kuraasta kala ah HOP103 oo uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isla markaana uu kusoo baxay wasiirka howlaha guud ee K/Galbeed.

    Guddiga ayaa shaaciyey in kursiga HOP103 dib loo qaban doono doorashadiisa marka la dhammeystiro habraaciisa, iyadoo hore Guddiga u hakiyey doorashadiisa.

    Waxaa kaloo la laalay doorashada kursigii HOP154 oo ay hore ugu fadhiday, mar kalena kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla, waxaana dib loo qabanyaa doorashada Kursiga markii la ogaaday in musharax tartanka ku jiray aanay buuxin shuruudihii laga rabay.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan:

    1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo 29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa.

    2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaas darteed, marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa.

    3. Waxaa jira kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa.4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag.

    Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed.

    Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Khilaafaadka oo Muddo cusub ku darsaday Baaritaanka Kursiga la isku heysto ee HOP067
    Next Article RW Rooble oo soo saaray Amarro ka kooban 9 Qodob oo ku saabsan Maamulka Doorashada (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo