Xildhibaanada baarlamanka Jubaland ayaa maanta doortay afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare, ayada oo maamulka uu si rasmi ah usoo dhameystiray doorashada Aqalka Sare.
Maamulka Jubaland ayaa horey u doortay afar ka mid ah sideedda kursi ee maamulka uu ku leeyahay Aqalka Sare, waxaana ku harsanaa afarta kursi ee maanta la doortay.
Senatoorada lagu doortay Kismaayo ayaa kala ah:
1. Senator Xasan Daahir Yarow
2. Senator Ibraahim Awgaab Cismaan
3. Senator Layla Nuur Maax
4. Senator Maryan Faarax Kadiye
Dhameystirka doorashada Aqalka Sare ee Jubaland ayaa ka dhigan in maamulka Galmudug uu yahay midka kaliya ee ay hadda ku hareeen kuraas ka mid Aqalka Sare, waxaana laga sugayaa laba kursi doorashadooda.
