Magaalada Cadaado maanta waxaa ka dhacday Doorashada hal kursi oo ka mida Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub.
Kursiga Beesha Mareexaan/Bah Ogaadeen waxaa ku guuleystay Faarax Cabdi Xasan oo helay 44 Cod, halka Amina Daahir Salaad oo la tartameysay ayheshay 2 cod.
Ergadii codeysay ayaa lagu sheegay inay gaareysay 46, waxaana kursigan uu noqonayaa midkii 34-aad ee Cadaado lagu doorto iyadoo ay harsan yihiin 2 kale.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga qura ee maanta lagu doortay Magaalada Cadaado.
Wadani.com