Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay, isla markaana go’aamisay in musharixiin kasoo jeeda hal beel oo qura ay u tartami karaan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Qoraal lagu ayiday mooshinkii xilka looga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay in talo uu soo jeediyay guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo ah in kursiga madaxweynaha ay u tartami karto beesha Xawaadle oo qura.
Isla arrintan waxaa hore si cad ugu dhawaaqay sii-hayaha madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), waana arrin ku cusub qoraalada dowladda federaalka, iyadoo xaaladan ay ahayd awood qeybsi beeleed oo heshiis gudaha ah ayay iminka isu bedeshay mid lagu qoro dokumentiyada dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan looga hortegayo isbedel ku yimaada hoggaanka maamulka Hirshabelle oo keena in dib loogu noqdo muranka awood qeybsiga maamulka oo ahaa khilaaf weyn oo laga soo gudbay.
Wadani