Muran iyo khilaaf culus ayaa hareeyay doorashada kursiga HOP060 oo lagu waday in maanta la doorto, taasoo keenay in caawa xilligan la qabto Doorashadiisa.
Kursigan oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil, waxay tartan adag kala kulantay shan musharax haween ah oo qaatay shahadada musharaxnimada, waxaana xaalad adag oo hareysay Kursiga ay keentay in qalalaase uu dhex maro eragada, odayaasha, Guddiga Doorahsada iyo Musharixiinta, waxaana markii danbe la isku raacay in kursiga si xor ah loogu tartamo.
Waxaa kursiga HOP060 caawa ku tartamaya musharixiinta kala ah:
1- Ubax Tahliil Warsame
2- Hodan Cabdullaahi Shire
3- Qaali Cali Shire
4- Ayaan Xuseen Xasan (Wacan)
Doorashada ayaa mar ka bilaabaneysa magaalada Gaalkacyo, waxaana wararku sheegayaan in isbedel ku imaan doono kursigan oo ka mid noqtay kuwa fara ku tiriska ah ee lagu tartamo Doorasho Golaha shacabka 2022.



