Kuuriyada Waqooyi ayaa uga digtay Mareykanka inay qaadi doonto tallaabo naxariis la’aan ah oo ay isku difaacayso haddii ay u soo muuqato astaan weerrar oo uu Mareykanku la maagan yahay.
Digniinta ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho, uu khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay, kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ee bambooyinka rida ee B-1B oo ay galbinayaan diyaaradaha dagaalka ay dul mareen biyaha bariga Kuuriyada Waqooyi.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in diyaaradaha Mareykanku ay dul mareen cirifka shishe ee waqooyi halkaas oo ka baxsan xeebaha Kuuriyada Waqooyi.
Khudbad uu Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in Mr Trump uu yahay in nin ‘caqligiisu uusan taam ahayn’.
Waxa uu sheegay si kasta oo cunaqabatayn adag ay Qaramada Midoobay dalkiisa ugu soo rogto ay Pyongyang ay sii wadi doonto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay inay ahayd dhoolatus ay wasaaradda difaaca Maraykanku ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweyne Trump.
Pentagonka ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid muujinaysa talaabooyinka dhinaca dagaalka ee uu madaxweynuhu kala dooran karo haddii ay halis ka timaaddo dhinaca Kuuriyada Waqooyi.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaadhay halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi ee ay gaadhaan tan iyo bilawgii qarniga 21aad.