La-taliyaha Madaxeynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo u jawaabay madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Salaad Cali Jeelle oo ka mida siyaasiyiinta difaaca Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan dhibaateyn is gaarsiin.
” Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaartay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo kula taliyey inay iska dhaafaan qaska ay wadaan oo 4 sano sugaan madaxweynaha xilka haya.
Wuxuu sheegay in madaxweyne kasta uu leeyahay muddo afar sano oo xilka uu heynayo, isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugaan waqtiga yar ee u haray Madaxweynaha Soomaaliya.
Salaad Cali Jeelle ayaa kula taliyey siyaasiyiinta mucaaradka haddii ay dacwad qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka balse aysan ku baaqin dagaal iyo fitno abuur aan loo baahneyn.