Madaxweynaha dalka latin America ku yaala ee Nicaragwa ayaa ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag oo la yaab ku ah dunida inteeda kale markii uu xaaskiisa u soo sharxay inay noqoto madaxweyne ku xigeenkiisa xilli uu u tartamayo in dib loo doorto markii saddexaad.
Madaxweynaha Nicaragwa Daniel Ortega, wuxuu xaaskiisa Rosario Murillo ka dhigay ku xigeenkiisa si mar kale dib loogu doorto oo ay ka caawiso ololaha madaxtinimada ee dalkaasi ka dhici doona.
Marwada madaxweynaha Nicaragwa ee Rosario Murillo ayaa haddana ah afhayeenka dowladda dalakasi, waxaana la rumeysan yahay inay awoodda la heyso saygeeda oo ay awood badan tahay.
Waxay mar waliba kasoo muuqataa warbaahinta dalkaasi iyadoo dowlada difaacda ahna muuqaalka metela dowladda Nicaragwa.
Dadka qaarkii ayaa ku eedeynaya in qoyska madaxweyn Ortega ay dalkaasi ka dhigteen guri ay leeyihiin. Laakiin waxaa taageersan xisbiga Sandinista ee dalkaasi ugu weyn.
Rosario Murilloa waa xaas leh 7 caruur ah, waxayna ku hadashaa luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska, iyadoo ah qof caan ah iyo xiddigad gabyaa ah.
Madaxweyne Ortega oo hadda ah 70 sano jir, waa dagaalyahan hore hogaamin jiray jabhadadii lasoo dagaalantay keli- taliyeyaashii qoyskii Somoza oo dalkaasi soo xukmay 40 sanadood.
Wuxuu talada dalka qabtay sanadkii 1970, laakiin xisbigiisa waxaa looga adkaaday doorashadii sanadkii 1990, waxaase dib loo doortay 2007 markii olole weyn oo najaxday ay galeen.
SAWIRRO
Wadani.com