Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay halkaasi ka dhacday fadeexad ku saabsan kursi loo doortay haweeney aan ka tirsaneyn beeshii lahayd.
Kursigan oo shalay lagu doortay Magaalada Baydhaba waxaa ku soo baxday Jawaahir Cadaawe Cabdi oo ku guuleysatay kursiga Beesha Garre, iyadoo heshay 37 cod, waxaana la tartamay Faxdi Maxamed C/llaahi oo heshay 12 cod iyo Sacdiyo Maxamed Cabdi oo heshay 2 cod.
Waxaa soo baxday in Jawaahir ay magac been abuur ah ku gashay doorashada iyadoo Beesha kursiga lahayd loo sheegay inuu dhalay Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi oo hadda ah safiir, balse markii doorashadii la qbatay ay soo baxday inuusan dhalin oo ay ahayd gabar kale oo kasoo jeeda Beesha Geledle ama Boqol Hore oo lagu eedeeyay inay dhacday kursigii Beesha Garre/Quraanyow.
Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Garre Quraanyow-Killiye ayaa dacwad ka qoray arrintan, waxayna saxaafadda u shgeegeen in kursigoodii ay qaadatay haweeney aan beeshaasi ka tirsaneyn oo Guddiga Doorashada taageero ka heshay.
DHAGEYSO WARBIXINTA DHACDADAN
Wadani.com