Waxaan qormooyin is dabajoog ah ku eegi doonaa arrimaha la yaab leh ee ka dhacaya Doorashooyinka 2016.
Doorashooyinkan oo dib u dhacyo iyo jiitan fara badan soo maray ayaa wax lagu dooranayaa qaabab ka duwan kuwii hore, waxaana weli shaki ka jiraa in markii saddexaad ay dib u dhac kale wajihi doonto doorashada.
Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa soo magacaabaya madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo ciddii ay doonaan u soo sharxay, aqalkan oo intiisa badan la doortay wuxuu u muuqdaa inay ku soo baxeen xubno ay keensadeen madaxda maamulada.
Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa ka duwan Aqalka sare, waxaana dooranaya ergo 51 xubnood ah oo ay soo xuleen odayaasha beesha, oo ay ku lug leeyihiin musharixiinta iyo siyaasiyiinta.
Qisadan waxay ku saabsan tahay kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka oo lagu doortay magaalada Garowe, kursigan oo ahaa kii ugu horeeyay ee aqalka hoose la doorto, waxaa la yaab lahayd inay ku tartamaan wiil iyo adeerkiis oo kala ahaa: Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo C/rashiid Xasan Yuusuf.
Sidii la filayay waxaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay musharixii adeerka oo helay 49 cod, halka wiilkiina uu helay 1cod oo qura.
Arrintan oo dad badan ay dood ka keeneen ayaa u muuqata kursi la siiyay hal qoys oo iyaguna ay isa siiyeen, waana tan keentay in kursigan uu ka mid noqdo waxyaabaha la yaabka leh ee lagu arkay doorashooyinka 2016.
Wadani.com