Waxaa dunida ku soo biiray arrim la yaab leh oo ku saabsan dhalashada ilmo ay iska dhaleen saddex qof.
Arrintan oo dunida oo dhan laga hadal hayo ayaa ah ilmihii ugu horeeyay ee dunidan yimaadaa, iyadoo la adeegsanayo farsmo cusub oo la isu keenay si saddex qof ay dhalaan ilmo qura.
Ilmahan ayaa la dhalay shan bilood ka hor, wuxuuna ku dhashay dalka Mexico, kadib markii isku biiriyay hide sidayaal laga kala keenay saddex qof oo kala ah: Hooyada, Aabihii iyo Hideside laga qaaday qof ku tabarucay.
Dhaqaatiirta ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag in ilmahan uusan dhaxlin xaalado abuur halis ah oo hooyadiis ay qabtay, hooyadan oo Urdun u dhalatay, waxaana la adeegsaday teknolojiyad cusub oo muran badan ka dhashay si la isugu geeyo dad kala duwan oo shirko ku ah ilmo qura.
Wadani.com